Wararka iyo Warbixinaha
| WACDARIHII QALIN JEBINTA ARDAYDA JAAMACADDA HARGEISA IYO DUFCADII LIXAAD ???? |
|
|
|
| Thursday, 20 August 2009 | |
|
W/Q: Mahdi sheikh abdi ahmed 8:- 30 daqiiqo ayay amintu ku beegnayd markii aanu soo cago dhiganay Ganjeelka laga galo Jaamacadda Hargeisa, Maalinkaasi wauxuu ahaa Maalin subaxnimo Arbaceed, waxaanu rafiiq nahay Weriye Xadiis Maxamed Xadiis oo aanan laftiisa qiyaasi Karin farxadda wejigiisa ka muuqata waayo waxa uu ka mid yahay Geesiyaasha inbadan soo halgmay ee maanta Mudan in la sharfo farxadda iyo raynrayntra dabooshay wajiyada ardayda ,dhoola cadaynta mararka qaar isku rogaysa qosol ilaa Gawsuhu muuqanayaan , mucaanaqo, iyo kalmado tahniyadeed, oo u dhexeeya Ehelada, asxaabta dadka qalinjebinaya iyo iyaga laftooda ubaxyo la is gudoonsiinayo, hug aad u bilicsan, ooy ku jeeni qaaranyihiin Kooxaha qalin jebinaya ood si fudud uga garan karto Dadka intooda kale, sawiro xusuuseed, nidaam hormoon waa astaanka saaka ee Ardayda ka Qalinjebinayasa Jaamacadda Magaala Madaxda JSL,ee Hargeisa University, Dufcadii Lixaad Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ood bilawgaba ka dheehan karto Qaabka Ciidamda Bilayska iyo Kuwa wadooyinkubawax u kala hagayaan, waalidiinta aadka u faraxsan ee Maanta ay u tahay Ciida farxadooda lama qiyaasi karo, ardaydana hadalkoodba Daa.. Waa run Xaq bay u leeyihiin, waanay mutaysteen, waayo loolan dheer ayay la soo galeen, oo waxay manta ka Guulasteen Cadawgii Jahliga muyuusiga wacdaraha badan ee baanboydu ka soo bilawday koonaha bari ee jaamacdda hargaysa ayaa waxa uu ahaa mid farxad gaarka ah u lahaa ardayda qalin jebinaysa, koox koox iyo mid mid ayay u garab galeen Ciidamada Baanboyda Somaliland,iyaga oo ku jeeni qaaran Dharka aadka u bilicda san ee Dushooda ka muuqda, Wacwacda iyo biligbiligta kamaradaha Warbaahinta kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa Gudaha wadanka ah ayaa iyana Garab galay Ardayda si ay xusuuso uga reebaan jiilkoodan Maanta. sideedii iyo shan iyo konton daqiiqo ayay ahayd markii ardayda qalin jebinaysaa ka soo galeen erida albabka barxadda xaflada lagu qabanayay,ixtiraam dhalinta loo hayo darteed sacab iyo Istaag ayaa lagu soo dhaweeyay ilaa intii qolo kastaa Goobta loo nidaamiyay ee Hal ku dhegooduku qoranyahay isku hubsanaysay, koonaha Midi ee koox kasta waxa ku qotoma Hal ku dhegyadan:- Faculty of ICT and Distance learning, Laynka ugu dambeeya Faculty of Medicine, laynka labaad Faculty of Science laynka sadexaad
Islamic studies Qaybta koowaad. Goobtu waa barxad aad u balaadhan marka ugu horeeya marka aad fadhiisato waxaad la kulmaysaa waxoogaa boodh iyo qashin kaaga imanaya bacaha aadka u duugoobay ee lagu daday Barxadda xafladda, waxay soo qubaysaa color aan caadi ahayn, wax kasta way bedeshay, dharkii ardayda waxoogaa qashino ah ayaad dushooda ku arkaysaa, waxoogaa waxaad ka yara dheehanaysaa inay la hadlayaan Dhaska Bacda oo ay leeyihiin Maanta Maalin dhaseed Maaha, bacdu miyay ka xishooto Dhaska Gaboobay ee ka soo hoolmaya, Xubnihii Xaflada ugu cuslaa ee la sugayay ayaa soo foolyeeshay, 9:00 waxa iridda ka soo galay madaxwayne ku xigeenka JSL, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin Dareen aad u diiran iyo Sacab ayaa lagu soo dhaweeyay, 9:-25 waxaa isna soo galay Wefti kale oo la sugayay Hogaamiyayaashii Axsaabta siyaasiga ah, Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi. Horena waxaa laga bilaabay Xafladii Aadka u qiimaha Badnayd, Aayado Quraanka kariimka ah ayaa lagu bilaabay, Cod aad degan ayaa waxa lagu soo dhaweeyay Maxamed adan askar, waxaanu ku diirsanay aayadu quraana oo uu ku bilaabay “ alraxmaan” Cabdifataax Maxamuud Cabdirahman xidhiidhaya Xafladu waxa uu ku soo dhaweeyay Mubaarik Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Hargeysa dhaweeyay,salaam diiran ka dib waxa uu ka sheekeeyay Sooyaalkii Jaamacadu soo martay iyo waqtigii la furay oo ahayd 2000, wuxuu sheegay inay ka dambeeyeen dad jecel waxbrshada, waxa uu mahadnaq u soo jeediyay Maamulkii ka horeeyay “dadaal ayay muujiyeen , anaguna halkoodii ayaan ka sii wadaynaa” Isaga oo ka hadlaya qalin jebinta maanta waxa uu yidhi “ Maanta waxaa qalin jebinaysa Arday dhan 340 Qof. Lawga 61 arday,34 ay rag yihiin 27 dumar, saynis 7arday 4 ragyihiin,3na dumar yihiin Islamic 9 arday 1inan iyo 8 dumar, journalism 30arday 25 inamo 5 gabdho, business 218 arday 181, ay rag yihiin 37na Dumar , Medicine 15Arday , 11 rag yihiin 4na dumar yihiin” Isaga oo sii wada Hadalkii Mubaarik waxa uu yidhi “waa markii ugu horaysay ee degriiga journalismka la bixiyo , Markii ugu horaysay ee la helo arday ka qalinjebisay a medicine, “Jaamacadu waxay ka koobantahay 7 Kuliyadood Kuliyadda, islamic studies, Sharciga ,ICT&Information technology, Journalism business, education, saynis medicine”
Khudbada Gudaheedii waxaanu ogaanay in Jaamacada ay ka hawlgalaan Macalimiin dhan 133 maclin, oo sida Mubaarik sheegay Shahaadooyinka ay sitaan isugu jiraan PHD Master , pachoular, Shaqaalaha ka hawlgalaana dhanyihiin , 88 shaqaale.
Maamulka cusub waxqabadkiisa Mubaarik waxa uu sheegay in maamulka cusubi dib u habayn ku sameeyay Dastuurkii hore ee Jaamacadda, waxa uu intaa ku daray “ waxaanu dib u habayn ku samaynay Curriculumka, waxaananu u samaynay standard caalami ah, hadii kale waxa aynu haynaa ma shaqaynayo, si loo soo saaro jiilka arday ee aynu doonayno inay soo baxaan waa in aynu dunida kala mid noqono
Qaabka ardayga loo qiimeeyo., imtixaanaadka, ogolaansha”.
Cod tabiyaha Cabdifatax markan wuxuu ku wareejiyay gudoomiye ku xigeenka amina xaaji cabdilaahi, waxay hadalkeedii ku bilawday “ dhamaan martida madaxwayne ku xigeenka, dhamaan ardayda, waalidiinta soo barbaarisay , ardayda waxaan doonayaa inaan idhaahdo waxaad tihiin mudhihii u soo kacayay wadanka, wadamada waxa horumariya dadka u dhashay, idinka ayaa la idinka sugayaan inaan fadhiga ka kacdaan”. Markan waxaa loo dhiibay Madaxwaynaha Jaamacadda Hargaysa University Dr. bulxan hadaladiisii waxa uu ku furfurtay Salaan uu u jeediyay Madaxwayne ku xigeenka kamaradaay ardayda ayaa leh, xafladda ku xigeenka, Labda Gole,Wasiirada, Booliska,Madaxda Labada Xisbiyada Mucaaridka ah, martida sharafta leh,ardayda iyo waalidiitooda, Dr. Bulxan isaga oo dhabta ka hadlaya waxa uu yidhi hadii hore aad u maqli jirteen “Jaamacaddu ardaybay si hawl yar u sii daysaa kuwani dhib badan ayay soo mareen in badan baanu isku jabnay, waxaan filayaa Maanta markay arkayaan inay Gudbeen way na saamaxayaan” Sacabka iyo Codadka lagu xoojinayo, Waxaadka dheehan kartaa Xidhiidhk Kalgacal ee Ardayda Baxaysa, iyo Maamulka Jaamacadda, ardayda qalin jebinaysa isaga oo la hadlaya waxaa uu yidhi “ 5 digrii kii iigu wanaagsanaaa waa kana aad maanta qaadateen oo ahaa qarnigii hore, wuxuu muujinayaa inaad gudubtay heerkii masuuliyaddana laguu qiray xayndaabkii cilmigana aad gashay, Badwayntii noloshana aad dhex gashay, Bulxan ardayda qalin jebinaysa waxa uu sii Dardaaran Qoto dheer oo Ilmuhu la ilmeeyeen Dunida kale waxay inagu sheegaan in qofka afrika u dhashay markuu helo Digrii ayuu akhriska joojiyaa, oo uu bilaabaa inuu qalin wax ku xado, idinka waxaanu idinka filaynaa inaad keentaan wax ka badan intaa, adeeg bulsho, fursad fiican, ayaad hesheen waxa jira qaar kale oon duruuftu u saamixin inay wax bartaan, waalidkuna waxay idinka sugayaan inaad hadda wax qabataan, qofka qalin jebinayaa boqol qof ayuu u hayaa qadarin, waayo duruufo badan darteed, dhamaanteen waynu xasuusanahay geedigaa cidii inala soo dadaashay, Si gaar ah isaga oo u dhiiri gelinaya Dhalinta ayaa waxa uu yidhi “ Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Ceelna uma qodna cidna uma maqna lakin anuu waxaan leeyahay “ceel wuu u qodan yahay oo waa kuwan halkan fadhiya”. khudbad aad u tayo saraysa, oo runtii dhego weelaynaya la kulantay, Kaftan ahaan isaga oo xidhaya Baabka siyaasadda waxa uu yidhi “maanta waxaan u sheegayaa inaynaan siyaasad ku jirin marti badana waxaan ka filayaa inay leeyihiin cilmi badan oo ay idiinku soo gudbiyaan maanta, Kaambayn ayaan u gelayaa jaamacadda sidii loogu soo xidhi lahaa kuwii aan dhigan jiray, Hadalka intii aanu ka bixin waxa dhegahayaga soo gaadhay bushaaro shaqeedkii ugu horeeyay Waa sadex jago oo Taliyaha Boolisku ugu deeqay Ardayda Qalin jebinaysa, indho hareereeyay iyo wadnayaal tix gelin u hayay ayaa lagu maca salaameeyay Gudoomiyaha,.. Masuuliyiinta Dahabshiil ayaa iyana Bushaarooyin Lagu diirsado ay kala kulmeen Bulshadu Mashruuc ay ardayda saboolka ah kaga bixinayaan jaamacadda sanadaha dambe, telesom lafteedu kamabay Habsaamin inay muujiso Doorkeeda Waxbarashada kaga aadan, Abdikarim telesom oo lagu soo dhaweeyay waxa uu yidhi “ waxaanu ahayn shirkadii ugu horaysay ee taageerta Jaamacadda, 43 shaqaale oo jaamacadda dhigta ayaa noo shaqeeya waad garan kartaan culayska naga saran sidaanu u tix gelin lahayn, mustaqbalka waxaanu ku talo jirnaa in la noogu magac daro Fakalti ka mid ah jaamacadda ICTinaanu magaceeda qaadano Intaa ka dib Gudoomiyhii hore, ee jaamacadda Shucuurka iyo qadarinta ardaydu u hayso meel fog ayaad ka dareemaysay, waa loo saro kacay, Maamulkii hore ayaa isna meesha ka hadlay Cabdi Haybe, Maamulka iyo Ardaydaba waxa uu ku amaanay Inay dadaalkii ay wadeen iyo Libin laabkiiba halkii ka sii wadeen, Adna aden Ismaaciil, ood runtii wada garanaysaan ayaa ka mid ahayd martisharaftii lagu soo dhaweeyay inay ka hadasho waxay ku bilawday hadalkeedii “ Khasaare ayaa loo arkayay markaanu wadnay dadaalkii aasaaskii jaamacadda hargaysa, miinada iska saara, ulada, u hela wax ay ku fadhiistaan ayay nagu odhan jireen , Somaliland waa wadan ku qani ah niyad wanaaga iyo waxqabsi, waxbarashao, naabadgelyo, horumar, idinka ayay idiin taalaa inaad hore uga sii wadaan, nabad gelyada horumarka ku dadaala yaan dusheena la isku qabsan ha mudho dhalo dadaalkiinii”
Bushaarooyinku Barxadda kumay yarayn Aqoonyahan Iid ayaa isna inoo haya Busharo kale “ halka waxaan ka sheegaya inaan Cambridge university idiinka sido Scholarship aanu bilaabi doono, sidoo kale waxaanu aasaasi doonaa Urur Taageera Ardayda Saboolka ah ee wax barashada awoodi kari waaya, Gudoomiyaha Wakiilada Md” Abdirahman Cirro oo isna meesha ka hadlay ayaa waxa uu yidhi Marti sharafta ka soo qayb gashay waxaan leeyahay “sharci ayaynu u bahanahay hadii kale kuraasidana waynu isku qabsan shirkadahana waynku iskuqabsan” Kolayto waxay ahayd Xaflad Aan dhinacna u dheeliyin Xaaji Abdi waraabe ayaa isna ka mid ahaa Duqaydii la dardaarantahay dhalinta isaga oo sheegay in nabadgelyadu wax kasta ay tahay ta inoo saamaxday doorasho ixtiraam iyo kalkacal ku jiro ayaynu u baahanahay oo kii helaana uu si wanaagsan umada u maamulo. Afhayeenka Ururka Siyaasiga ah Ee Kulmiye Mujaahid:- Biixi ayaa runtii isna aad looga dareemay weedhihiisa Goobtii ardaydu ku qalin jebinaysay Waxa uu na dareensiiyay waajib ay ardaydu gudatay waqti waqtiyada ka mid ah “ Ardayda waxaan uga mahad celinayaa abaal wayn oo ay nagu leeyihiin markii aad is qabsateen idinka iyo koomishanku waad naa aqbasheen ergadii aanu idinka dalbanay”isaga oo ardayda la hadlaya waxa uu yidhi waxaanu u baahanahay cid na xanaanaysa, Fariin ayaan idiinka sidaa Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah Mudane Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxaan salaamayaa Macalin oo dhan meelkasta oo uu joogo, Sidoo kale askari kasta oo somalilander ah ayaan isna salaam gaadhsiinaya,
Isaga oo ka tiiraanyaysan Inaan Xukuumadu qorshe cad u samayn ardayda qalin jebinaysa ayaa waxa uu yidhi “in Laba shirkadood loo baryo may ahayn maanta ardayda qalin jebinaysa waa xaq aad leedihiin inaad aqoontiinan ku shaqaysaan , tusaale fiican ayaad noqoteen,Shirkadaha iyo Goobaha Ganacsiga waxaan u soo jeedinayaa inaan shaqaalaha lagu qaadan qolo iyo qabiiltoona” Gudoomiyaha ururka siyaasiga ah ee ucid Eng. Faysal cali waraabe ayaa isna ka mid ahaa Madaxdii kalmada ka yidhi hadaladii waxa ka mid ahaa “ camuud tusaale wanaagsan ayay u ahayd bilawga jaamacadaha JSL. Isbedelku waa waxa uu maanta wadanku u baahanyahay, wadan khayraad leh ayaynu nahay hadana waynu ka gaajoonaynaa, aqoontii oo aynaan isticmaalayn, iyo garaad xumo, waxyaabo badan ayaa ina horyaal, anaga oon cidna caayayn, wadanka gaajadu way ku baahday, inaynu dawlad wanaagsan dhisano, dad wanaagsana doorano, ayaa la inooga baahanayahay Markan waa arday ka mid ah Geesiyaasha Jahliga la soo halgmay waa arday ku hadlaya Magaca Ardayda Qalin jebinaysa wxa uu si taxadir leh u sheegay inaanay halkan ahayn halkii ugu dambaysay ee aynu aqoon ku joojin lahayn balse la inooga baahanyahay inaynu sii korodhsano inaga oo tix gelinayna xadiiskii rasuulka ee ahaa “ cilmiga raadso yaraan ilaa qod gal “ halkii ugu dambaysay maaha waa in aynu sii wadno waxbarshada, اطلبو العلم من المهد الي اللحد Wax hadal soo socdoba oo Kolba Tusaale, Waano, Ididiilo, Bushaarooyin lagu miiso dhegaha Ardayda qalin jebinaysa hadda waxaynu taaganahay Catabadii Gabagabada Xafladan aynu aadka rafiiqa u noqonay Waxa soo xidhaya Madaxwayne ku xigeenka JSL, waxaan filayaa in Bushaaradii ugu waynayd uu u soo gudbin doono, Ugu horayn waxaan u mahadnaqayaa , Waalidka soo saaray, isaga oo ardayda la hadlaya waxa uu yidhi “ idinka ayaa insha alla rajaynayaa inaad wadanka hagi doontaa, meel aan sharci lahayn waa wadan aan jirin, maanta hadii intaa oo qof aanu haysano waanu bedeli karnaa, cidda aanu is nidhaa bedela, isaga oo la kaftamaya Darafka kale waxa uu yidhi Waad ogtihin waxa inagu soo dhaw bishii ramadaan qofkastaa shaydaan ayuu leeyahay shaydaankaa sida aad ogtihiin waa la xidhaa bisha ramadaan markaa waxaanu rajaynaynaa inaanu Axsaabta kalena iska heshiino inta shaydaanku naga xidhanyahay” Inkasta oo aanan Bushaaradii maskaxdayda ku wareegaysay aanan ka dhex helin Hadalkii Madaxwayne ku xigeenka tolaw ma anigay I dhaaftay mise Bushaaradu way u dambaysaa Ardayda qalinjebisay oo xukuumadu dhinacyada ku shaqada leh ayay amar siin doontaa!!! Ma garanayo balse kolay ardaydu way sugayaan waxa maalmaha dambe u soo wadaan!!
Hadal iyo dhamaantii waxay ahayd Xaflad Farxad iyo raynrayn kaga tagtay Qalbiyada Ardaydii Qalin jebisay ,karaamo iyo sharaf bay la guryo noqdeen ay ka mutaysteen Shacabka JSL, waxay ahayd xaflad Kasbatay raali ahaan shaha wejiyo in badan kala asturnaa, ididiilo,gelisay waalidiintii ku soo tabcay, ka soo qayb galayaal badana ku dhiiri gelisay inay Bilaabaan Geedi socod Waxbarasho oo Halkan oo kale la tiigsado. Mahdi sheikh abdi ahmed This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it Hargeisa-somaliland |
| < Prev | Next > |
|---|
Daawo Buuga Guri waa Haween
Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan
Sheekooyin
- SHEEKO GAABAN: REERO BAABA'AY
- Qaad: Maxaa Iga Raacay !!!
- MAANSO IYO SHEEKO QOSOL: QIIRADA QURBO-JOOGA
- Aniga iyo Gacaladey ha Naloo Garnaqo
- JABINTII JEELKA LAGA JABIYAY MUJ MARXUUN CABDILAHI ASKAR, ILAAHAY JANADII FARDOWSA HA KA WARAABIYEE.
- DHEEG MEEDAY - Sheeko
- Lixdan Qodob Oo Ay Diinta Islaamku Sheegtay In Aad Ku Kasban Karto
- ROOXAAN
- Boodhari iyo fanka casriga ah
- Dhashii Ibliis Ibraahin Yuusuf Axmed
- Sheeko gaaban : Dhoof: Ma wax loo dhigaa jira !!!!
- Dharka askarta ( sheeko)
- HAASAAWE SUBAXEED: sheeko gaaban
- MA NINKAAN OGAA BAA!!
- ISAGAABA YAABAY
- GODMADOW,
- Nin Iska Dhintay!!
- Sheeko xiiso badan: Hadday Ogaan lahayd
- ISAGOO GABOOBAY!! by Xasan C. Madar
- ILMADII CADCEEDA
- Jacayl U samir Ama Ka Samir (Sheeko Xiiso Badan)
- NOLOSHA IYO JACAYLKA
- GARTII INDHO DHEGO
- Siday u Madowdahay uma rajo Xuma!
- Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn.
- Gabaygii wuu dhintay!!!
- KABAHAYGA XIDHO!!
- SOOMAALIDA IYO DHOOFKA
- Kala Maan (Sheeko)
- DUMARKA, AQOONTA IYO GUURKA
- Dumarka, Dhoofka iyo Guurka
- Filan Waa (Sheeko)
- Duruuf Jacayl iyo Dar-daaran (Sheeko Xaqiiq ah)
- Qadhaadhkii Macanaa!! .........qaadow adigaa leh
- Doqonimada aan Xuduuda lahayn (Sheeko)
- ‘Qolka Hurdada’
- Laba Gallin Sheeko gaaban
- Ma waxaan u dhintay Jacaylkii Nagaad. (Sheeko)
- Nageeye? Ma inaaderkay? Faanweynaa.
- Ogaysiis
- Mucjisadii Dahsoonayd!! (Sheeko)
- Wadadii Halista
- Saddex Nafood (Sheeko Xiise Leh)
- Intaanu dhiman Wuu Noolaa
- LAMA-FILAAN!
- ISBEDAL-DOON,(Sheeko)
- WACDARIHII QALIN JEBINTA ARDAYDA JAAMACADDA HARGEISA IYO DUFCADII LIXAAD ????
- DUMAR WAA NINKEED BILA IYO NINKEED BI’IYA QAYBTII 9-AAD iyo TOBNAAD
- Fulay sidee lagu noqdaa ?
- Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan
- DARMAANTII JACAYLKA, DAYDAYGII KA DAMBEEYAY (Qaybtii 1)
- Jacaylkii Barni Seed (Sheeko)
- Gudoomiyaha Xaafada (Sheeko gaban)
- Farxaddii Murugadu ka Dambeysay. W/Q. Qoraagii Waynaa ee M.M.Kastam...Hargaysa
- XUSUUS MUJAAHID (Sheeko Xiiso badan)
- DALSHISHEEYE WAA DAREEN KU JOOG (SHEEKO la yaableh)
- Cilmi Boodhari iyo Hodon Maxaad ka ogtahay jacaylkoodii?
- Maxaad ka Ogtahay Layla Iyo qaysa (Sheeko)
- Fatuuxal Xabasha "Gorfeyn Buug"
- Sheeko Iyo Shaahid
| © 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) | Powered by: Somaliland Technology |





