Template Tools
You are here :  Home
Todays is : Thursday, 09 September 2010

Wararka iyo Warbixinaha

Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 – 2010): Qudbi-suugaaneed Kale oo Galbaday
WQ. Maxamed Daahir Afrax

Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle  ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti

 
Somaliland Technology
Shirkada Somaliland Technology waa Shirkadii ugu horeysay ee Reer Somaliland ah ee yeelata Server u gaar ah, waxay diyaar idiinla tahay samaynta noocyada Website-yada ee kala duwan sida Shirkadaha Dhismaha, NGO, Hotel, School, College, University, Restaurant, News Website, Hay’adaha,
 
DUMAR WAA NINKEED BILA IYO NINKEED BI’IYA QAYBTII 9-AAD iyo TOBNAAD PDF Print E-mail
Wednesday, 19 August 2009

QALINKII: NUURA MAXAMED CALI [NUURA HAPPY]

"Waa qaybtii ugu dambaysay ee ka hadlaysay Dumarka qaybtooda Ninkooda Bilada ah, waxaa qaybaha dambe inoo bilaabmi doona waa tuma Ninkeed Bi'iye? ha moogaan ee la soco"
MALAKUFAY  KIBIRKII!!
Haybe wuxuu dhabanada haysataba oo yaab iyo fajac lago’sanaadaba waxaa uu sameeyay oo  isbarbardhigay marwadiisi dahabo ee dadba kawacan iyo minyaradiisii Xalan ee uu magaceeda kuraacay una bixiyay roobladhacda quruxdeda

, balse noqotay midaan quruxda looga hoosaynin kadib waxaa uu ogaaday inay gabadh iyo gabadh la’aan isu yihiin islamarkaana waxaa uu isugu yeedhay tokiisii intay wada tashiga lahaayeen kadib waxaa uu usheegay inuu kibraayay markiihore kibirkiina uu lakufay iyo dhibaatada kahaysata gurigiisa iyagaa oo markahoreba dareensanaa oo  ujuuqi waayay dhibaatada haybe dushiisa ka muuqata, waayo iyagu waxay ayidsanyihiin dahabo oo ma ogola inuu meel kale unuux nuuxsado haybe waxaa uu usoo jeediyaay dhaliilihii uu kaga tagaayay gabadhan,hadaanu sidaa yeelina way ku adkaan lahayd wayo dumarka barigii hore hawlyaridaa laguma furijirin ee tolbaa odhan jiray waxad ku aragtay afada sheeg aanu kula aragnee markaa imika isagoon awalba tolkii isaga naag kale larabin ayuu isna dhaliilo usoo gudbiyay kadib haybe waxaa uu tolkii kula tashay inuu furo gabadhan oo intaanay da’sadexaad udhalin hangool faraaro leh iskaga qabto, hadaba horaa looyidhi waxtarso waxbeel bay dhashaaye waxa uu kaqaday minayradiisi raad kulayl iyo dawakhaad,haybe waxay ugu darnaan jirtay markastuu xasuusto taladii qiimaha lahayd ee marwadiisa dahabo markuu ushegay inuu guursanayo ay usoo jeedisay ee ahayd anigu guurkaad guursanaysa shido iguma hayee waxan kuu baqanaya adiga, kadib waxaa uu ku go’aansaday inuu furo waanu kadhabeyay oo way kala haajireen gabadhisii Xalan ee uu roobladhacda  ubixiyaay, minyaraysatayna kuna noqotay ninkeed biiyada,
Waxa hanti maguurto ah unoqotay marwadiisi dahabo ee ninkeed bilada ahayd ilay horaa looyidhi (LAMA HURAAN WAA CAWS JIILAAL).
 
Waa tuma ninkeed bila?
Ninkeed bili waa gabadha marka laguursado ee ninku ka xoolobixiyo gabati iyo yaradba ee ninkeeda loo wareejo inanta reerkeeda iyo inaanka reerkooduba dhisaan iskuna xooleeyan oo guri cusub u yagleelaan oo ay noqdaan reermeel degen oo yeeshay guri iyagu iskood iska leeyahiin maamulan karaan, waa gabadha sidii ladoonayay ee xididkeeda iyo ninkeeduba kafilaayay buxise noqota gabadh isgaadhsiisan.
Waa gabadha ceebta iyodhaliishaba iska dhawrta
Waa gabadha hadalka ninkeeda iyo hantidiisaba dhawrta ee ninkeeda dushiisa biyuhu kadaataan ee korkiisa laga dhaashto sidii dahabo oo kale had iyo jeer waa marwada ninkeeda laga dareemo widh widh iyo dhalaal badan oo aan hore loogu aqoon markuu inaanka ahaa.
Ninkeed bili waa marwada diiteeda iyo ninkeedaba isku ilaashatee ninkeeda ka dhawrta canaanta, hadalka qaloocan, hiifka, hatigaada, hadalada dhagidiidayda leh iyo dayacaba.
Ninkeed bili waa gabadha isgaadhsiisan ee loo yaqaan marwada amaba xaaswal waalka
Dumarku iskuma jiraane ninkeed bili waa marwada tolkeeda iyo xididkeedaba xeerisa
Marwadu waa gabadha gurigeeda dhixirka u xidhatee gurigeedu noqdo damal hadhwayno lagusoo hirto
Waa gabadha mudane iyo marwaba xaqa iyo sharafta ay kamudan yihiin taqaan, waa afada tolka iyo xididkuba kamahad sheegtaan ee marka ninkeeda raga kale xamanayaan layidhaahdo (waar niyow ninkii hebel maaragteen korkiisa laga subkanayaaye niyow tolow muxuu cunay ee kuwa kale ee ogi ugu jawaaben waar afo nasabuu heloo marwo ah oo sidaa kadhigtay) waar iska daa ninkii hebel gabadh iyo maa haa gabadha uu helee.
Marwadu waa ta wakhtigeeda kulumisa gurigeeda, ubadkeeda, iyo ninkeeda
Wakhtiyaday gurigeeda kusugantay waa ta samaysata hararka sida isku jooga,shanlaha,sadexlaha,googoska, waxaa kaloy diraarsadan oosamaystaan kabada,aloolka, abjadka,karbashka,kooraha, dhinca kale waa gabadha soo hata  ee tidcata xadhkaha  rarka awrta lagu isticmaalo sida yeesha,caynka,bayda,dabarka,hogaanka, iyo xadhkaha guryaha lagu dhiso,lagu raro,ama lagu xeero sida  xeerarka taxayaasha dhigaha iyo udbaha laysugu taxo iyo kuwa lagu sameeyo cawsaska ee laga sooho maydhaxda iyo xiga
Ninkeed bili waa afada gurigeeda illa xidhee uduga iyo carfiga kasoo kamkamaya qofkastoo geel daaq ujiraa sanka lasooraco sida saxansaxada roobka
Waa afada afkeeda kadhawrta nasabcayga, tolcayga iyo aflagaadada.waa marwada wax kastoo ilahay kukeeno cudur iyo caafimaadba tidhaahda Alxamdulilaah
Waa marwada   hadii ninkeedu camalwaayo ama qutaldaruurigooda soo heliwaayo ee wakhtigu ku yara adkaado waata niyada udhistee tidhaahda xaaji Allaa weel madhan buuxsha kabuuxana madhiya ee anaga hanoo warwarin ilaahaybaanu macsuun unehee
Ninkeed bili waa gabadha looyaqan marwada, xaaswalwaal, raaliyo, raaswayn, waagabadha intaaso sifo yeelata ama loogu yeedho
Waa afada sodohdeed subag ugu falaxashee sodogeedna casaryaha ugu roonata.ee sidii aabeheed oo kale u ilaalisa
Dumaashiyadeedna soorta kahaqabtirtee ay kuso hirtaan, ninkeedana agteeda aan lagawaayinee markuu gaajaysanyaay iyo markuu dharagsanayayba taqan sida ubadkeedana ukolkoolisee isna qofkastuu is yidhaahdo uyeedhba magaceeda ugu yeedha wanaaga iyo xubigay gashatay awgii. Waa afada ubadkeeda dayactirtee wadka mooyee wadeecada kadhawrta
Waa afada magaca aabeheed, hooyadeed, walaalehed, iyo ka tolkeedba dhawrta hablohoodana magac wanaagsan uhorseeda ee lasoo hidoraaco jidaal dheerna laga soo haybiyo
Waa marwada ninkeeda iyo ubadkeeda cimrigeeda ku agdhamaysata ee aan marnaba kadudin gurigeeda waayo waxay xeerisaa rerka guursaday iyo kayka dhalatay labadaba.
Waa afada marka ninkeeda oo daalan kana yimi shaqo markuu soogalo kutidhaahda xaaji hore usoo dhaaf oo fadhiso iskna Saar kabaha oo naso markaa aad wax cuntid ee caruurteedana kutidhaahda hooyo aabihiin wuu daalanyahay oo wuu inoo soo shaqaynaaye haku qaylinina ee soodhunkada oo ka kaalaya kadib biyahana udhiga haysku qaboojiyo hooyo aabihiine.
Qaybtii 10-aad
QALINKII: NUURA MAXAMED CALI [NUURA HAPPY]


Waa qaybtii ugu dambaysay ee qormadeenii taxanaha ahayd ee ku saabsabayd musir-nololeedka dhabta ah ee Dumarku kala leeyihiin. qaytan-na waxaanu waxaanu ku soo qaadan doonaa waatuma NINKEED BI'IYI?
NINKEED BI’IYA:
WAA TUMA NINKEED BIIYI?
Ninkeed biyi waa gabadha marka laguursado ninkuna ka xolobixiyo ee gabati iyo yaradba reerkooda lasiiyo iyada iyo ninkeedana layku xooleeyo ee laga dhigo reer meel Dagan Waa gabadha himililooyinkii ninkeeda iyo tolkiiba kafilaayeen burisa ee buuxinwayda islamarkaana iyadoo loohanwayn yahay hoos isucelisa

Ninkeed biiyi waa gabadha geesi warac ahi markuu guursado ninkeeda hoos ucelisee kadhigta doqonka habaca ah ee dadku kusheekaystaan ee layidhaahdo niyow ninkii hebel wuu jaan jaanmay ee maaragteen? Waxaa sidaa ugalayna uu yahay fikirkeeda iyo qayladay ku qaylinayso awgeed Sababtoo ah waxa uu islahaa aad afo wanagsan heshid oo aad aabo wacan noqotid balse siduu doonaayay aanay kudhicin ee gabadhisu sidan kunoqoto halkuu farxad kafilaayayna cadhokuso korodho oo uu noqdo qof wajixun sidii lagu yaqaanayna kafog
Ninkeedbiiyi waa gabadha layidhaahado meelmadhanshaq shaqa ee waxaan waxabaku jirin wax kadhigta wax kasta oo wanaagsana xumaanta ubadasha, waa orida ku ciyaarta maalka ninkeeda iyo maskaxdiisaba, waa gabadha wax usheega iyo wax usheeg la’aantu isugu midka tahay, waa gabadha aan hadalada ufiirsan ee waxkastaba iskatidhaa iyadooy kabastahay ama badheedhaysa oo kini adayga udhalatay, waa gabadha basarida ah ee ninkeedu kasii warwaro soortay usamaynaso cidlasoo qadatagta hadalkeedaba daayo.
Waa oorida gurigeeda iyo saaban keeduba is dhexyaalo habaaska iyo buuhiyahaa kakacaya gurigeeda aad moodo galgalinta.
Waa gabadha martida kanaxdee qadisa ama waxay siinlahayd kuraajisa taab gaabnaan ama candadawlnimada awgeed ,waa afada toka iyo xidkuba xantaan ee gurigeeda laga habrwacdo  beelaha ladaganina geediyo kaguuran si aanay dumarkooda wanaagsani tan ninkeed biyada ah ugu dayanin .waa ta markastoo ninkeedu wax is yidhaahdo usheeg kufurtuurtee  kubuuqdee  yawyawda badanleh, ee aan hadalkana kasugin ninkeeda waa gabadha marka hadalo kaftana uu kuyidhahdana  xanaaqabadn ee neerfika ah ee nafta xoorka isgalisee tidhaahda waaryaa waa ninka isii waraaqdaydii.
Waa afada salka fududee  dudmada badan ee wadaduun sii haysee reerkooda kudhidiiqisa, waa gabadha magaca hooyadeed,aabeheed,walaaleheed iyo qabilkaykadhalatayba iyagoo magacwanagsan lahaa  ubadasha magac xumoda hablohoodana guur la’aanta uhorseeda ee ninkasto iyidhaahda guursaba markuu u sahantago laga wiswisiyo ee layidhaahdo ma waxad ka guursan doontaa rerhebel oo aanu ognahay horalooyidhi oodi casba rerbaa lamoda waar  iskaga joog ninkii hebel ee inanta kaqabayba boholbuu kudhacee halkaa hawdhaafin kadib hablihii guur la’aani kudhacdo.  Waxaa laga yaabaa rerkaa sidaa loo dhaliilayo ee lacanbaraynaayaa inay reer nasaba yihiin balse magaca xun ay inaantoodu usoo jiiday waayo horaa looyidhi baruurbaa baruura qudhmisa
Ninkeed biiyi waa gabadha ninkeeda iyo reerkooda kala rarta ee sodohdeedna godmadow biyo ugu shubta ee sodogeed iyo ninkeddana isqaniinsiiye dumaashiyadeedna isku ribidhee fooda isuwada galisa
Ninkeeda biiyi waa gabadha aaanay kamuuqan xoolaha ninkeedu siyo iyo waxkastooy cunto ama xidhato, waa gabadha luunku kuwareego ee basiirada, jaynafka,iyo duliga saran aad moodo inay todoba caanamaa qaday.
Waa afada habaarka badan ee bidada looyaqaan ee waxkastoy qabanayso ama kor uqaadaba raacisaa balaayo laga qaad, balaayo kudhacday, kanoow lagugu go, laguma cuno, kanow kalajab,   balaayo kushidatoo biyo lagugu shub,
Waa gabadh caruurteedu kayacsuumanyihiin caruuraha kale ee dayaca, darxumada, iyo diiftu kamuuqdaan ee meelahaa raranku kudile duufka iyo daleeshaba iskudara, ee ubadkeeda midaba hadhqoodaar ama docgabadhkale ku gamo.
Waa gabadha ninkeeda korkiisa lagadareemo darxumada iyo dhibaatada gurigiisa kahastata ee lagarto inuu ninkani xiloxumaystay oo gabdhiisu ku xuntay ee fikirkeeda awgii madaxu cadaado, ee basiirada wajigiisa, jactadka maryihiisa, saran ay dadku moodan inuu xanuunkasoo kacay ama uu isdhaafay, tadkuna kuxantaan waaryaahe ninkii hebel maaragteen meeshiba wuu kaboxaye waar niyow tolow ninkii maxaa asiibay ee had iyo jeer lafikirayaa uun? Kuwa o gee kamidka hina uga jawaaban ee ay yidhaahdaan waar waxa kudhacay anaagaa oge nawaydiiya, mid saancadalayoo habaarqabtoo raad kulaylkeeda laga yaabo qoob giraan giruu ilaahay u geeyay oo waataa ninkii aad ogaydeen noloshiisi sidaa ubadashay.
Ninkeeda biiya(xumeeya) waa gabadha wareega badan ee aan fadhiisan duhurka dheemasha,fiidkana carawda, ee aan gurigeeda lagusogaadhin markastoo layimaado gurigeedan layimaado isagoo cidlo sanqadhla, sunqudh la’ah  oo hamaansanaya,raadka xayawaanka yar yar ee ay kamidka yihiin shinbiruhuna ay kutardheeyeen, oo aad moodo inaan shan caanomaal loo hoyan
Waana ta dadku kusheekaystan ee markastoo gabadh xun  laga hadlaayaba tusaalaha losooqaato waa gabadha marka caruurtu kubukooto garan wayda xananuunka ilmaha yar haya ee tidhaad wuu taabtay,waxan uula qufacayaa wuu xabcunay,laan baa haya,sanbafarqbay hido ulahaayeen, ilbaa kalamiirtay.hada waxaa lagayaaba ilmahaa yar ee ay waxaa soo xanuuna ay kusheegaysa inay cusbo hayso.
Ninkeeda xumeeya ama rerkeed biiya waa gabadh ay kabastahay aqoon xumana halkaa dhigtay ama waa mid kabadbadinaysa oo kibir iyo mukur ugeeyo xumaanta reerkeeda kudhaqayso iyo waalida ay ninkeeda walayso oo ladnaanta xejin la, waa gabadha iyadoo gurigeeda hilibdad mooyee waxkastaaba yaalin kadayrisee tidhaahda busaaradbaa naladabadhigay, meel baastani maaha meel habeen lagu dhaxo ee walaahi inaan habeenka caawa ah ka guuragali doono. Anaagaaba soodonanay wax ilaawaligood gaajadu guri latiilay. waxay erayada kutiraabtaa marka ninkeeda oo quudkodi kumaqnaa isagoo kulul oo nasasho ubaahan usoo galo.
Markuu maqlo hadalada dhagidiidayda leh ee ay ku dhawaaqayso ayuu kuyidhaahdaa naa maxad horta markaan sogalaba maxad labuuqdaa ee hadh iyo habeen kushiday, tusalale ahaan waa sidii ay xalan ku ahayd haybe oo kale.
Mar ale markuu intaa yidhaahdo ayay caruurta ku kacdaaayo xarastaa oo kutidhaahdaa nagafadhiista todoba aabihiin kujiriyo awgiinba wasee anaga hanoohoryaacina macangahan xumee meesha dhererane
Iyadoo cadhada ninkeeda udanleh ayay kucelcelisaa habarkan caruurteeda waarnaga fadhista fidhfidhkiin goyo far iyo suul laydinku qaadyo fanto idin laysayo habeen iyo maalin laydinka dhigyo masaflaydun ku haadiye anaguunbay noohoryaacayaan macangahan xun ee meesha dhereran oo digta naga jareen.
Gabadha xun ayaa erayaada xunxun ee habarka iyo cayduba kamidka yihiin isticmasha mar ale marka ninkeedu guriga fooda soogaliyo. 
DHAMAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAD

 
< Prev   Next >

Daawo Buuga Guri waa Haween

Waraysi lala yeeshay Sahra-ladan

 

Cilmiga iyo Aqoonta (Buug Cusub)

   

WARBIXINTII WARIYE MUNIIR AXMED CIGAAL EE 
HADHWANAAG AY KA DIYAARIYEEN URURKA MURTIMAAL
KU DHUFO SAWIRKAN HOSE MURTIMAAL


Sheekooyin

© 2009 - 2012: Murtimaal: Bahda Hidaha, Dhaqanka iyo Dhalinyarada (BHDD) Powered by: Somaliland Technology