Hooyo Soomaaliyeed oo Ninkeedii Ku Dilay Magaalada Bristol ee Dalka Ingiriiska

INAALILLAAH Hooyo Soomaaliyeed oo Ninkeedii Ku Dilay Magaalada Bristol ee Dalka Ingiriiska

Aasiya Cumar oo aheyd hooyo Soomaaliyeed oo dhalinyara ah ayaa Isniinti lagu dilay magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, kadib marki uu toorreeyay seygeeda oo lagu magacaabo Aden Dahir.

Ayan Cabdulahi oo ay qaraabo yihiin Asiya, ayaa wariyaha VOA-da ee London Ridwan Haji Abdiwali u sheegtay in marxuumada ay u dhimatay dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray labada dhinac ee qoorta.

Lama oga sababta ku kaliftay Aden inuu dilo xaaskiisa, balse booliska magaalada Bristol ayaa wada baaritaan ku aadan dilka Aasiya Cumar.

Aasiya Cumar ayaa aheyd 27 jir, waxana ay ifka uga tagtay wiil iyo gabar.””

share hadad ka naxday