Hadraawi waa hal abuur

“المفكر الصومالي هدراوي”

Hadraawi waa hal abuur bilawgii1970-nadiiba shaac baxay oo warkiisa iyo weedhiisuba gudubtay waa shakhsiyad sheegid iyo sharax in laga bixiyo u baahnayn waana nin Magaciisu ku filnaaday oo aan baawayn iyo buunbuunin jeclaysan. bulshadiisana u galay halgan samatalis ah mid siyaasadeed, suugaaneed, wadaniyeed ,xoriyadeed iyo cadaaladeedba. Wuxuuna wakhtigiisii iyo waayihiisiiba u huray dadkiisa oo uu maskax iyo muruqba dul dhigay islamar ahaantaana aqoontiisii iyo aragtidiisiiba waxba kama hagran.
Waxaana marag u ah maansadiisa oo ah dawan, baaq, hodan, xigmad, murti iyo qaylo dhaan xilliga balo jirto. Hadraawi wuxuu maansada ku kala furaa aqoontiisa iyo awoodiisa farshaxanimo. Wuxuu ugu hiiliyaa ninka laga gar daran yahay iyo ninka la dulmiyayo. hiil iyo hooba wuu u galay waana hal-abuur maanseed, oo dabuuubta maansadiisa kala soo dhex baxay dhudhubo shareeran iyo dhadhaaabo shuban dhexdood. Waana mufakarka dhifka ah ee soomaalida suugaan baadhis iyo daraasadi ka buuxdo hor keenay saamayntana ku yeelatay guud ahaan, jacaylka uu bulshadiisa u qabana waxaad ka dhex arkaysaa suugaantiisa bal eeg maansada bulsho.

Bulshooy adigay boqraday
Beerkayga adaa gogladey
Bogeyga adaa huwadey
wadnaha adigaa barkaday
bishmaha adigaa furfura
Markii lagu bililiqaysto
Markii baaqagu yeedho
Ayaan boholyoow gabyaa
Dareenku baraarugaa

Bulshooy adigay boqrday
Adaa bili igu shakalay
Baruudka adaygu xidhay
Haddaan ahay wiil bir kulul
Burjiga adigaa iska leh
Badheedhka adaa i faray
Dagaalka adaa i baday
Belaayo haddaanay dhicin
Dantaada haddaan la bi’in
Haddaan baradaadu guban
Miyaynu is baran lahayn

Haddiise aan idin xasuusiyo uun Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) wuxu ku dhashay kuna barbaary degaanka Ballicalanle oo ka tirsan caynabo. U dhow magaalada Burco ee gobolka Togdheer hilaaddii 1943. Isla burco ayuu baadiyaheeda ku indha furay isla haddana bandarkeeda ku noolyahay qoys xoolo dhaqato ah ayuu ka dhashay sanadkaas aynu soo xusnay ayayna hooyadii Kaaha Jaamac dhuux xijaabatey islamar ahaantaana addeerkii Axmed Warsame Siciid oo degenaa Cadan loo geeyey halkaas ayayna ku hanteen aayooyinkiis Shamis Xasan Nuur Qaaje iyo Caasha Maxamed Xasan waxbarashadiisi aasaasiga ahayd illaa dugsiga sare uu ku qaatay isla Dugsigii Cadmeed ee wakhtigaa la odhan jirey (St. Anthony’s High School.) mudadii u dhexaysey1956-1964. Hadraawi Markii uu dhameeyey dugsigaa ayuu muqdisho bare ka noqday, mudo yar kadib.
Hadraawi gabayga Af-carbeedka, oo maansada Soomaaliyeed ay dhinacyo badan wax ka wadaagaan. Gaar ahaan kuwa ay tiriyeen gabyaa caan ahi sida Umru’l Qays.. Cantara.. Al-Mutanabbi.. Xaafid Ibraahiim.. iyo kuwo Yamaneed laftoodu sida M. Garaada.. Ludfi Jacfar Amaan.. Idris Xanbala. Suugaan-yahannimada Hadraawi iyo curintiisaba gabyaagaasi si lixaad leh ayay u badhi-taareen.
1966-kii ayuu curiyey soona ban-dhigay Riwaayadii la magac baxday “Hadimo” 1967 ayuu Cadan ka soo wada guurey una soo boqoolay dhulkiisii hooyo. magaalada Muqdisho ayuu isla mar ahaantaana ka billaabey hawlgalkiisii ugu horeysey iyo shaqadiisiiba, wuxuuna boos ka qabtey Wasaarada Warfaafinta sanadku markuu ahaa 1969kii, mase ku raagin. , 1970-nadii. Ayay hibadiisii hal abuurnimo qaraxday soona shaac baxeen heesaha tirada beelay ee lagu diirsaday soona jiitey dhegaha dadka Somalida,isla mar ahaantaana kiciyey dareenka dadka. Wuxu noqday nin suugaantiisu si gaar ah u taabato dadka dhegahooda, oo dood iyo dareenba galiso, lagana dardooriyo Idaacadaha heesihiisa iyo hawraartiisa ayna ku doogsatey bahda warfaafintu.
Waxa la soo qaadan karaa Riwaayadii “Aqoon iyo Afgarad” oo ay ku jireen saaxiibadiis Maxamed Xaashi Dhamac(Gaariye), Siciid Saalax Axmed, Muuse Cabdi Cilmi iyo Silsiladii maansadii “Siinley” iyo Riwaayadii “Tawaawac” ee ay ku jireen heesaha ay ka midka ahaayeen “Hal La Qalay iyo Ceel Walwaaleed”.
1971-kii ayuu si rasmi u billaabay ugana hawlgalay Wasaarada Waxbarashada, isagoo bare ka noqday Dugsiga Hoose/Dhexe/Sare oo ku dhex yaaley Dugsiga Hoyga Nolosha ee Lafoole(Afgooye), isla wakhtigaas oo uu ku qaadanayey daraasada tababarka baranimada dugsigii Macallinimada ee Lafoole(N.T.E.C).
Wakhtigaas ka dib, illaa bilowgii 1982-kii, wuxu Akadamiyada Cilmiga Fanka iyio Suugaanta ka ahaa Agaasimaha Waaxda Fanka; isla markaana wuxuu madaxa hore kaga jirey raggii mayalka u qabtay ee hoggaaminayey Silsiladii maansadii caan baxday e “Deelley” kana qaraxday dalka horraantii sanadkii 1980.
Suugaantiisa waxay noqotay tu si gaar ahaaneed ugu nixisa oo ku abuurta werwer xukuumadii kacaanka ee Siyaad Barre, sidaas darteed ayuu cadaadis iyo cabbudhin gaara u saaray, Ka dib maansadii “Siinley” iyo Riwaayadii “Tawaawac” iyo sababa kale oo maansooyinkiisa la xidhiidha ayaa 11.Novenber.1973-gii loo taxaabay xabsiga, waxaa la geeyey Qansax Dheere halkaas oo ku xidhnaa illaa iyo April.1978-kii.

Hadal iyo murti hadraawi siduu inoogu lisay ugumaynu hanbayn. hadii ay tiisii noqto oo xaqu u yimaado alle ayaynu abaal marin wanaagsan uga rajaynaynaa inagana inaynu xabaashiisa kadul oyno oo amaan ka dul tirino inoogama baahna sida uu isba ka digay maansadiisa dardaaran hoos ka dhugo.
Cishaday dellegan tahay,
Dalandool u tahay iil,
Godka loogu daadego,
Naftu way dayacan tahay;
Dulucdani nin nooloow,
Anna tayda doqonta ah,
Waa dardaarankeedii;
Qabrigaygu deyr ma leh,
Derbi iyo astaan ma leh,
Dugsashiyo ag-joog ma leh,
Dunbukh iyo salaan ma leh,
Damdam iyo aloos ma leh,
Iyo darammal luuq dheer,
Dab la rido ka waaweyn;
Ilmo layla daba galo,
Naxashkayga lagu dedo,
Duxi iima saarnee,
Yaan layga sii darin!
Yaan la ii dabbaal-degin!
Kol hadday dac-wadhan tahay,
Dembigeeda keydka ah,
Dibnaheedu qirayaan,
Lafahayga duugga ah,
Yaan dushooda lagu shirin,
Billad dahab ah lagu tolin,
Iyo taallo damac badan.
Qofka ii duceeyoow,
Rabbigay ku darajee,
Qofka iga ducaystoow,
Dummaddaada weeyaan.

W/Q Cabdiraxmaan Maxamed Cali Ubaxle.
ubaxle@yahoo.com