Gabaryahay ninkaaga xalaasha ah dhunko

Gabaryahay Ninkaa dhunko oo jaq waayo Dhunkashadu waxa weeye kicin ama baraarujin, iyada oo la isticmaalayo taabasho iyo ur. Kolkay dhunkashadu dhacayso, jirka haweeneydu waxa uu ku lismayaa jirka ninkeeda, kooda diirrimaad badan baana markaasi huwiya kan kale. Dhiigga ayaa dhaqaaqa, dareemayaalku firfircoonaadaan, jirka oo dhanna la saaqaa. Neefta labada ruux ayaa isku baxda, dareemaha urtuna billaabaa hawshiisii baraarujin iyo kicineed.

Dhunkashadu waxay kulmisaa saddex waxyaabood oo saldhig u ah kicinta iyo baraarujinta dareenka jinsiyeed, kalana ah:

Dhuuqmada:- Micneheedu waxa weeye in labada bushimood ee afka ninku ay ku lismaan kuwa xaaskiisa. Afku sida daloollada kale ee jirka, aad buu u dareen jinsiyeed badan yahay. Kolkay bushimuhu isku lismayaan, labada