Gabar la dardaarmayo

GABAR LALA DARDAARMAAYO.

Gabar yahay ma Dooneysaa in aydnaan Duqaaga kala Gaboobin, Dumar kalena uusan kula Guursan?. Haddaba waanadeydaan yeel:-

– Guriga uga dhig Janno uu ku Raaxaysto inta uu joogo, una soo Xiiso inta uu ka Maqan yahay, hana uga Dhigin Cadaab uu ka doonto meel uu uga Cararo.

– Dhoola Caddeyn iyo Weji Furnaan ku Salaan kolka uu Guriga soo gelayo, sidaana kula joog ilaa uu ka Baxayo. Dhibaato kastoo ku Haysatana u Dhoola Caddee.

– Kala Qaybgal Murugadiisa iyo Mashaakilaadkiisa, iskuna Day inaad mar waliba ka Farxisid, si uu u illaawo Daalka uu la soo Kulmo inta uu kaa Maqan yahay.

– Isku day inaad Samaysid Waqti Adiga iyo Ninkaagu Hadal Macaan iyo Haasaawe aad is Weydaarataan Dhowr daqiiqaba ha ahaatee.

– Marmar Hadiyad u keen haba Qiimo yaraatee.

– Kala Qaybgal Hiwaayadihiisa, hana ka Daalin, Ogowna in Naagta Caqliga badani ay tahay ta taqaan waxa uu Duqeedu jecel yahay.

– Isku Day inaad Alaabada Guriga taal iyo Qaabka ay u Dhigan yihiin wax ka Beddeshid, hadbana Dhinac ka soo jeedisid, daahyo nafta soo jiita iyo Ubaxna ku Qurxisid. Mar waliba Gurigaagu ha ahaado mid Qurxoon, Nadiif ah oo Nidaamsan si uu Ninkaagu ugu Nasto.

– Isku Day inaad marmar wax ka beddeshid muuqaalka Jirkaaga iyo Dharkaaga, isuna Qurxi oo isku Dhis si aanu Dumar kale u Eegin.

– Ugu yeer Magac uu jecel yahayjacayl iyo erayo nafta soo jiita.

– Ku Qanac intii Eebbe kuu qoray, Dushana haka Saarin Wax aanu Qaban karin, hana uga Sheekeyn waxa uu Walaashaa Ninkeedu u keeno iyo waxa aanu u keenin.

– Wax kasta oo uu ku yiraahdo ka yeel aan ka ahayn Dembi aad Eebbe ka gashid, maxaa yeelay haddaad Dhimato asagoo Raali kaa ah waxaad tahay Ahlu-janno.

– Been ha u Sheegin Ninkaaga, ogowna in hadduu Been kugu Ogaado Shakiga uu kaa qaadaa aanu Weligii ka Baxaynin.

– Meel uu Xumaan kugula malayn karo ha is Dhigin, wax kastoo Shaki iyo in laga Sheekeeyo keeni karana ka Fogow.

– Ha badsan ka Bixitaanka Guriga, Ogowna hadduu Maanta kuu Sabro inaanu Berito kuu Sabri doonin.

– Iska ilaali Taleefanada badan, Ninkaagu ha joogo ama yaanu joogine.

– Xusuusnow Ballamada uu Dadka kale la leeyahay, Xusuusina.

– Ku Mahadi wuxuu ku siiyo haba yaraadeene, maxaa yeelay Eebbe ma eego Naagta aan Ninkeeda ku mahadin.

– Xiriiri una Roonow Ehelkiisa iyo Qaraabadiisa, kalana Qaybgal Faraxooda iyo Murugadooda, si uu isna Ehelkaaga iyo Qaraabadaada u Xiriiriyo.

– Ha u Ammaanin Ehelkaaga, hana u Caaynin Ehelkiisa, waxaa laga yaabaa inuu kuu Dhaafiyo Ereyo ku Dhaawaca.

– Ku Kaalmee Arrimaha Diinta sida Soonka iyo Sako bixinta, una toosi oo xusuusi waqtiga Salaadda.

– Kula Noolow Ninkaaga Waqtiga la joogo suu yahay, hana Baarbaarin wuxuu Taariikh soo maray, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa inaadan ku Farxin.

– Ha u Ammaanin Gabar Saaxiibtaa ah, yaanu kaa Raacine.

– Ha u Ammaanin Nin kale, ma jecla inaad Ammaanto Nin aan isaga ahayn.

– Iska ilaali Maseyrka badan, Maseyr waa Dab, Ogowna hadduu Dilaaco Dadkuu Gubayo adaa ugu Horeyn doona.

– Xanaaq iska ilaali, ninkaagana ka ilaali, intuu kuu galo wuxuu kuu geystaa kaaga badan eh.

– Haddaad tahay Naag Nin hore soo Furay, iska ilaali Ereyada ay ka mid ka yihiin “Ninkeygii hore saa ima yeeli jirin, waxaa ima Siin jirin, waxaa iima Diidi jirin, iwm.”.

– Hadduu Ninkaagu Danyar yahay, adna Daaro Dhaadheer ku Noolaan jirtay, marnaba iska ilaali inuu kaa Dhadhamiyo Ereyo Abaal sheegad ah sida Adiga oo Xusuusiya Raaxadii aad ku Noolayd intaanu ku Guursan ama Xoolo kuwaaga ah oo aad Siisay aad ugu Abaal sheegatid, maadaama Ereyada Caynkaas ahi ay Raganimadiisa iyo Karaamadiisa Dhaawacayaan.

(ilaahoow Xaqa na Fahamsii, yaa Rabbi).