Gabadh yahay Ma doonaysa in uu ninkaagu ku jeclaado

Haweenka Soomaalida qaar baa aad nadiif u ah kolkay arrintu jirkooda joogto, ha yeeshee aan xil sidaasi ah iska saarin nadaafadda guriga ay ku noolyihiin iyo tan jikada ay wax ku kariyaan intaba. Jikadu gaar ahaan, waxa weeye halka ugu muhiimsan ee dumarka ajnabiga ahi ay kaga libin heli karaan dumarka Soomaalida, haddii nadaafad lagu beretamo. Maacuunta, gidaarrada iyo daaqadaha jikada oo aan sidii loo baahnaa loo nadiifin, daaqadaha qolalka gaar ahaan qolka jiifka iyo kan carruurta oon la nadiifin, si maalinle ahna aan loo furin si hawadu isu beddesho nakhaskuna uga baxo, dharka carruurta oo inta la mayro, dabeeto meel lagu raseeyo iyadoon la kaawiyadeyn iwm., waa sifooyin ay kasiman yihiin guryo badan oo Soomaaliyeed. Dumarka Soomaalidu waa inay haddaba waxyaabahaasi oo dhan u fiiro yeeshaan, waa hadday doonayaan in koobka nadaafadda aanay cidi kula beretamin