facebookeda ayey ku qortay in ay qarax turkiga ka dhacay ku dhimanayso wanay ku rawaxday hoos ka arag

Gabar u dhalatay dalka Lubnaan oo lagu magacaabo Rita Chami ayaa saadaalisay in ay ku dhiman doonto dalka Turkiga kahor int ayasan ka bixin Dalkeeda Lubnaan una dhoofin magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga

Rita Chami ayaa qoraal ay baraha bulshada soo dhigtay inta aysan ka dhoofin Lubnaan waxa ay ku sheegtay in ay kusii jeedo magaalada Istanbuul ayna qabto wel wel ku aadan in ay halkaasi ku geeriyoon doonto.

Gabadhan oo 26-sano jir ah waxna ka baraneysay Jaamacada American University of Science and Technology ee dalka Lubnaan ayaa maalmo kahor inta yasan u bixin Turkiga waxaa geeriyootay Hooyadeed uu haleelay cudurka Kansarka , waxa ayna ka murugeesneed geerida Hooyadeed.

”Waxaa waqti fiican oo farxad ah kusoo qaadan doona aTurkiga, waxaasa dareemayaa xaalad adag oo wel wel wadata oo ku aadan in aan halkaasi ku dhiman doono aana raaci doono hooyadeey” Ayey barteeda Facebook kusoo qoraty Rita.

Qoraalka ay gabadhan ku saadaalisay in ay ku dhiman doonto dalka Turkiga ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada, waxaa sidoo kale warbixino kala duwan ka qoray Wargeysyada iyo Wakaaladaha Caalamka.