Facebook iyo Furashadii Jaamac

Facebook iyo Furashadii Jaamac.. SHEEKO ISAGO JEELKA KU JIRA UU KU DHEX QORAY MAXAME SIDIID DHAME OO GUDOMIYAHA GARABKA DHALINYARADA WADANI AH SOMALILAND OO SIYAASAD U XIDHAN

jaamac waa nin aad u dhoof jecel wuxu in badan ku fekerayay siduu qurbaha maruun jaanta u dhigi lahaa, wuxuse kaga duwan yahay dhalinta naftooda bimaysay ee tahriibka iyo dhuumashada yurub ku galay waa fulay oo waligii hunguri kama gelin inuu dhabah hooga iyo hanfiga badan u badheedho, Marin kale oo u sahla inuu dhoofo uma banaana waayo qoyskoodu hayn buran iyo xoolo uu dhoof ugu babac dhigo ma hayaan, Maalin maalmaha ka mida ayay si kadisa isu waraysteen Jaamac nin dhalin yara oo ay saaxibo dhaw yihiin waqti aan fogayna mehersaday gabadh joogta cariga ingiriiska,

Wuxuu uga tibix siiyay Nuur saxiibki Jaamac gabadha uu mehersaday inuu ka bartay Facbook-ga mudo markay haasawayeena ay is guursadeen, Oo ma waxaad ka heshay gabadhan qurba joogta ah barta faecbook-ga? “Haa waxan ka helay facebook-ga oo aanu iska baranay saddex billod ka hor, Oo facebook-ga ma hablo qurbo jooga oo guurdoona ayaa ku jir?

“Haa waa guur doon inta badan dalka iyo dibad ku wa joogaba habalaha qurbuhu waxa raadiyaan inamo dalka jooga hablaha dalka joogaana waxay ka dhex baafiyaa inamo qurbaha jooga Facebook-ga,Ma lihiye hadaan samaysto Facebook ma ka helayaa? “Haa haddi aad sawir qurux badan dhigato profilka oo aad isticmaasho waqtiyada dadka dibadu soo galaan inan kastana aad la sheekaysto markaad eegto informionkeda iyo dalka ay joogto si sahalan ayaad ku helaysa waliba aaduu waxaad tahay nin sheeko yaqaana oo haasawaha aad ugu dhiiran,

Jaamac habeenka aadbu isu canantay waxaanu isku canantay sababta uu u samaysn wayay Facebook habalah uu kala haasawo asxabatan kala sheekayto,Wuxu ku tashaday bishan gudaheeda inuu iibsado Labtop khad internetna soo xidho oo halka ka isticmaalo hadh iyo layl hablaha mida sawir quruxbadani ugu jiran halka kala haasawo ila intuu ka helayo bilantu calmaday ee qurbo joogta ah,Jaamac wuxuu soo iibsaday Labtop lacagtiisa uu mudo ururinayay waalidkina uu ku cadibay madaama aanay awood u lahayn inay u iibiyaan Labtop wuxuuse ku xodxotay hooyadii in aqoonta uu sahalo oo cilmi lagabarto computerka, waa runtii computerka aqoon iyo cilmi wuu dhexyaala waa hadba sida looga faa’daystee isagu se wuxuu hindisay oo hammigis is leeyahay aad ka baratida inan qurba jooga Facebook-ga si jid ugu noqoto sababta dhofkaaga marka aad is barataan ee ad is gursataana si ay kuugusoo doddo sidii saaxibka Shaaficina mudo gaaban cagaha aad u dhigto qurbaha,

Wuxuu samastay bar-kulan Faceboka wuxuu galiyay sawir aad u qurux badan oo u ugu talo galay inuu hablaha kusoo jiito inanta jaleecda ee isheedu ku dhacdana dhaygag awgii aanay kaba jeesan,Maalmihi uu ku cusba Facebook-ga wuxuu qaaday olole aad u balaadhan oo asxaab raadin iyo siduu boggisa ugu soo buuxin lahaa wiilal iyo gabdho,

Qof kasta oo uu arko wuu ku darsadaa haduu garto iyo haddi kaleba wuxuuse aad u xiiseeya habalaha oo u jeedada uu u furtaba ay tahay siduu uga heli lahaa bilcaan nolosha u la qaybsado se qurb jooga oo aa ahayn qolqol joog,wuxu aad u jecelayahay hablaha informationkooga qurbe ugu qoran yahay,Hadh iyo layl wuxuu ku fooganyaha Fcebook-ga hawl kasta oo uu qabanjirayna faruhu ka qaaday markuu waqti iyo firaaq u wayay waxbarshadina faruhu ka qaaday haba shegin suuq iyo hawlo kale oo u baxo,Hooyadi wuxuu ku madadaaliya oo u sheega markay ku tidha maxaa qolkun kugu xidhay inuu wax ka barto internetka oo casharo uu ka dhigto,wuxuu ugu foorara facebooka-ga sida faral la faray oo la yidhi xafid wuxuu in badan ku taamayay in maruuun facebook-ga ka barto inan qurba jooga oo nolasha la wadaagta,Saacad kasta wuxuu ku darsada darsin hablo ah oo aanu aqoon u lahayn mint kastana wuxuu soo dhiga intaaso qoraal oo meel ay u jeedan iyo meel ay ka jeedan aan la garanayn,Hadh iyo habeen waa online waxaad mooda inuu gaadh ka hayo oo u hoydo Facebook-ga,Sawirka fooda la dhigto maalin maalin ayuu u bedelaa si asxaabtiisa uu usoo jiito hadba sawirka uu dhiga,

Waxa intaa dheer oo aad ka yabaysa qormo kasta oo uu arko si bilaa xuquuqa ayuu u qaata una soo dhigta degelkiisa heesaha iyo gabayada jacylka ahi haw badnaadeene xaquuq qalin iyo xaq qoraal ma yaqaan maalin kasta waa u xatooyo iyo xaabsi qalin qofkale leeyahay,Haa waa run waa hubaal in dad badan oo ka mida bulshada isticmasha barkulanka Facebook-ga ay u isticmaalan si aan dhaqan ahaan haboonayn,Waxase ka badan inta u adegsata barkulanka wacyigalinta bulshada dhiirigalinta iyo war isgaadhsiinta,Mushkiladah ugu waawayn ee ka jira bar-kulanka Faecbook-ga waxa ugu qiimo daran qoraalada oo dadka qaar aanay siin xuquuqdi qoraaga maankis ay ka soo maaxeen qoraalaku, dadka qaar ayaa iska qaata iyagoon xusin qofka curiyay qoraalka ama halka ay ka soo dheegteen qormada ay soo dhigayaan degelkooda,

Galab jimce ah oo uu ula baxay Jaamac galabtii farxada ayay is barteen inan aad u cajiiba oo xariifad ku ah Fcebook-ga iyo haasawihiisa inamo badana waqtiga seejisay,Wuxuu u tamaniyay oo malihiisa is yidhi malaha inantani waa taada Facebook-ga u furatay darted war la’aanba col hoday,Waxaa fooda u saran sawir aad u qurux badan indha daraandarna ku ridaaya indha halacsada waa sawir meel quruxbadan oo doog iyo deegan bilicdiisa aad u qushuucayso una nisbaynayso in madasha sawirkan lagu qaaday tahay Yurbta hogasha iyo hilaac jaan uga bilig leeyahay Jaamac,Waxa ugu qoran dalkay joogto Filand sawiro jaadba jaada ubax iyo qoraal qalbigi jilicsan iyo dhaayihii jaleeca xiisa galinaaya ayaa uga buuxa Facebook-ga,

Dhab maaha waa dhalanteed sida Jaamac ayay ku mamatay isticmaalka Facebook-ga Faadumo si bilaa macno ahana way usoo gasha hadh iyo layl waa maadsi iyo madadaalo sheeko kastooy holinaysa,,Barasho kadib Jaamac waxay naftiisu aad u xiisaysay haasawaha iyo sheekada aadka u mcaan ee ay holinayso Faadumo,Waxa abaaray oo naftiisa farasaray jacayl dhalanteeda oo ay ku abuurtay Faadumo inkastoo ujedada Jaamac ay tahay inuu ku dhoofo Faadumo fursadna ay naftiisa u tahayn haddi u gursadan ay qaadi doonto,Mudo ayay hasawe aad u quruxbadan iyo sheeko xiiso badan wadaagayen been ayay ku maaweelinaysay Faadumo qalbiga jeclaaday waa Jaamac,

Laba kala ayaan daran Jaamac wuxuu niyaysta habeen kasta isagoo Faadumo guursaday oo mudo aan dheerayn jaanata dhigay Filand,Jaamac wuxuu uga waramay saxiibkii Nuur oo ay aad isugu dhawaayeen iskuna xan-qarsan jireen xidhiidh saxibtinimo oo qoto dheerin ka dhexeeyay fursada uu helay iyo inanta Facebook-ga uu ka bartay dalka ay joogto,Saaxibki oo ahaa nin aad ucaqli badan ayaa uga sheekeyay dhacdooyin badan oo ka adhacay Facbook-ga iyo inay jiraan dad badan oo been ka sheega dalak ay joogan,Wuxuu waydiiyay inanta magceeda si uu uga hubiyo saaxibkii oo uu aad u jecla dhibak iyo dhibaatada u dhaxli doonana ka baqaayay haddi xidhiidhku sidaa usii socdo,Wuxuu ku darsaday Nuur inantii Faadumo si degdega ayay u aqbashay Faadumo codsigii Nuur,Habeenkaas oo dhan ayuu la sheekaystay Nuur inantii waxaanu ka waraystay halakay joogto waxay u sheegtay dhalshadeeda iyo halka ay joogto hadda iyadoon sidii saxiibki been u sheegin,Waxaan deganahay magaalada Jigjiga ee cariga Ethopia,Nuur wuxuu uga waramay una sheegay xaqiiqada iyo halaka ay joogto saxibkii Jaamac aadbu jaamac arinka uga naxay madaama inanta uu u hanwayna qorsha noloshisana uu ku daray rajada kaliya ee uu islaha waad ku dhoofi kartaan ay ayahad Faadumo,

Jaamac markuu ogaaday xaqiiqda iyo sida arin yahay wuxuu goosatay inuu halka ku joojiyo xidhiidhka ka curtay Facebook-ga ee ka dhexeeya isag iyo Faadumo madaama aanu ahayn siduu rabay,

Fiidkii doraatoo

Anigoo ku foorara

Facebook qolkayga

Ayaan furay fariin

Mise waa friend cusub

Furay folder kale oo

Confirm friend idhi

Ilay maba fogee

Chating kay fadhida

Anigoo furfuranban

Sheeko fagax ka siyo

Hello fine inadeer

Magacaygu waa fahad

Furihii qalbiga iyo

Iga qabo faarawilka

Yartu waaba funy oo

Fad iyo daruuriyoo

Waa tiriig i fayoo

Markaad eegto fiirada

Faraxdiyo dareeniyo

Fajacba ku dilayoo

Waa laguugu fidayaa

Sida faleenbadoo kale

Magacygu waa figis

Fanto laysay barigii

Faqashtu ay gubaysay

Fahadow dhulkeena

Fiidkiyo aroortii

Fatherkiyo mamada

Dooxaysay fooshe

Faca aynigeenana

Ku furaysay ifisada

Ayaan dalka ka foofo

Falaydan ka goosto

Filand u duuloo

Waxa ii fadhiisina

Dhulka barafku fadhiye

Yacni fashionka ah

Fariid curadaban ahay

Qani famly yaan nahay

Faarax aabahyba

Iiga faaday beri hore

Fooqyo aad u badaniyo

Fiilooyin boqoliyoo

Fardiyo gamaan badan

Waxa aan la fiiqmee

Faraha iga falyee

Fiidkiyo aroorto

Facebook-ga igu raray

Inan helo facayga

Fahad adiga oo kale

Faraxad midaan wadaagno

Furaashkiyo sariirtiyo

Bayd faraawil ubaxlo

Fadhi dahabi yaalo

Aan u hoyano fooqo

Ila fuuda maalkoo

Dacawad midaan u furoo

Fiise uu ku dhoofiyo

Falayd midaan u soo diro

Ayaan filanayaayon

Facebook u dhuuqa

Fanto qaaday sheekada

Fariintay i tidhibaa

Qalbiga ku faaftoo

Fidno qabe jacaylkuna

Faruhu iila tagayoo

Idil wuu igu faafoo

Waxan fiiriyaayoon

Oon ku foognay goor kasta

Fariin ii timaadaa

Sida faralka oo kale

Facebook ma daayo

Waan fadhaa hadh iyo layl

Goor laygu faafoo

Maskaxdii fadhiid iyo

Ay i noqotay finishoo

Fikir uu i dilaybaan

Beentay filqinaysiyo

Faylkeedi helayuun

Yartu waaba faadumo

Ina faarax CD

Fadhigeedu tuuliyo

Waa fiiq Ethiopia

Wali faras magaaliyo

May saarin faayaha

Meel fooq ku yaaliyo

Fiilooyin daaro ah

Waxay ii falaysee

Beenta u furaysay

Haasawe fecebook

Filinkiisa tahyoo

Beenta lagu dhex faafsha

Fidno qabaha facebook

Fariin aad u wacan iyo

Sawir aad u funnyoo

Farshaxan sameeyo

Lagu fara yaraystad

Fooda soo dhigaysaa

Facebook-ga beentiyo

Fidnada aan ka daynoo

Fareenkiyo asxaabtiyo

Aan xaqdhawro famlygaa

Maxamed sadiiq dhamme

mohamedsidik@hotmail.com