Dr. Edna Adan Dumar ka aya kaga fiican dhakhtarnimada Ragga

Diktoorayso Edna Aadan Dumarka ayaa kaga fiican Dhakhtarnimada Ragga waa maxay sababtu?? Cilmibadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in heerka dhimashada bukaanka cisbitaallada yaalla ee da’doodu ay ka weyn tahay 65 sano ay ku yar tahay kuwa ay xaaladdooda gacanta ku hayaan dhakhaatiirta haweenka ahi. Sida lagu baahiyey cadadkii u dambeeyey ee majaladda Jama Internal Medicine iyo cilmibaadhayaashu waxa ay dib u eegis iyo baadhis xeeldheer ugu noqdeen warbixinaha caafimad ee hal milyan iyo badh ruux, oo ah dadka ka faa’idaystay baraamijka ‘Medicare’ ee dalka Maraykanka intii u dhexeysay sannadihii 2011 kii illaa 2014kii. Waxa aana u soo baxday in bukaanka ay dhakhaatiirta dumarka ahi xaaladdooda caafimaad gacanta ku hayaan ay boqolkiiba 4 tirada dhimashadoodu ka yar tahay kuwa ay daweyntooda ku hawlan yihiin raggu. Sidoo kale bukaanka inta ay bogsadaan cisbitaalka ka baxa ee muddo kadib mark kale isla xaaladdii dib ugu soo noqda cisbitaalka ay boqolkiiba 5 ku yar bukaanka dhakhaatiirta xaaladdooda haysay ay dumar yihiin.

Xeeldheerayaasha daraasaddan sameeyey oo ka tirsan kuliyadda caafimaadka dadweynaha ee jaamacadda Harvard ayaa sheegay in natiijada cilmibaadhistani muujinayso sida dumarku ragga ugaga fiican yihiin mihnadda caafimaadka. Cilmibadhiso hore ayaa iyaguna muujiyey dumarka iyo raggu ay ku kala duwan yihiin mihnadda caafimaadka oo dumarku ay ku fiican yihiin, garaa ahaan marka la eego dhinacyada dhegeysiga iyo iyo ka warraniinta bukaanka.