Daawo laba fanaan oo caan ah oo si run ah uGu dagaalami doono ciyaar feer ah kii guulaysta ay raaci doonto gabadh

CAJIIB laba fanaan oo caan ah oo si run ah uGu dagaalami doono ciyaar feer ah kii guulaysta ay raaci doonto gabadh at isku haystaan ..

Ciyaaraha feerka ayaa galay marxalad cusub, waxaa garoonka ciyaaraha feerka lagu ciyaaro ee afka ingriiska loo yaqaan boxing ring dhawaan isugu imaanaya labo heesaa oo caan ah islamarkaana da`yar oo kala wata labo feeryahan oo aad looga baqo.

Labadan fannaan ee feerka u ballansan ayaa waxaa ay kala yihiin Chris Brown iyo Soulja Boy kuwaas oo uu dagaalkoodu ka bilowday gabar yar oo qurux badan taas oo uu saaxiib hore la ahaa fannaanka lagu magacaabo Chris Brown.

Fannaanka Soulja Boy ayaa feker ka dhiibtay sawir ay baraha bulshada soo dhigtay Karrueche Tran taas oo xilligaas saaxiib la aheyd Chris Brown, fekerkaasi oo aan u cuntamin fannaan Chirs Brown, sidaasna u bilowday dagaalka afka ah ee labadan fannaan oo in muddo ah soo jiitamayay.

Si kastaba labada fannaan oo ka daalay dagaalka afka ah ayaa iminka isku ballansaday fool-ka-fool, waxaana ay kala qorteen labo feeryanah oo caan ah kuwaas oo kala ah Floyd Mayweather iyo Mike Tyson.