Cajiib Daawo Wariye Coldoon oo bilaabay barnaamij uu isugu gurinayo dadka bilaa xaaska ah

CABDUL MAALIG MUSE COLDOON IYO FARMAAJO Waxa aanu idin ogaysiinaynaa in aanu dhaqaajinay mashruuc aanu ku magacawnay #Labadeena oo ah mashruuc lagu fududaynayo guurka, talooyina lagu bixinayo.
Labadeena si aad u fahantid sida uu u shaqaynayo , akhriso qodobada soo socda:
1- waxa uu kula raadinayaa qofkii aad nolosha la wadaagi lahayd , adoo soo gudbinaya sifooyinka iyo shuruudaha aad rabtid .
2- waxa lagu bixiyaa talooyin, la siinayo kuwa xaaska ah, kuwa isjecel ee aan xaas noqon iyo kuwa aan wali waxba dhaqaajin ee l’a meel ay wax ka dhaqaajiyaan iyo si ay wax u dhaqaajiyaan.
3- Dadka doonaya in ay adeega #labdeena ka faa’idaystaan waa in ay isdiiwaangaliyaan, waxaana laga rabaa in ay bixiyaan $50 hadii ay gudaha joogaan ama $100 hadii ay debedda joogaan. Marka ay hawshu u hirgashana waxa laga rabaa $500 kuwa dalka ku nool, ama $ 1000 kuwa qurbaha ku nool.
4-si ku meel gaadh ah noogu soodir macluumaadkaaga iyo sida aad wax u rabto email-kan : labadeena2@gmail.com
Waa ku kaa
#labadeena