Badhaadhaha qoyska galmada Raaxada leh ee Bisha Malabka

Badhaadhaha qoyska galmada Raaxada leh ee Bisha Malabka… iyo xaaskaaga xalaasha ah Ee Alle ku baneeyey sidaad kacsigeeda uga haqab tirayso ,,

BISHA MALABKA

Soomaalidu waxa ay taqaan in toddobaadka ugu horreeya aqalgalka, haddii uu ninku shaqo lahaa intuu fasax ka soo qaato, uu xaaskiisa cusub guriga kula jiro, waxaana la yiraahdaa: (Hebel toddobo ayuu ku jiraa). Ha yeeshee, dalal badan oo caalamka ah waxa laga yaqaan bil kaamil ah oo lagu magacaabo (Bisha Malabka), kana billaabata habeenka aqalgalka.

Dhanka toddobaadka Soomaalida haddii aynu ku horreyno, ninku maba ku fekeri karo muddadaasi wax aan ka ahayn siduu u bekra-jebin lahaa gacaladiisa, maadaama uu bedenkiisa ku jeexayo meel bir loogu tolay, oo nasiib buuba leeyahay hadduu toddobaadka gudihiisa ku bekra jebiyo xaaskiisa.

Dalalka aan isticmaalin gudniinka fircooniga ah, oo bekra-jebintu aanay inta badan qaadan wax ka badan hal habeen, bisha malabka waxay u haystaan bil raaxo. Ha yeeshee guud ahaan labada xaaladoodba, aqalgalku waxa uu ka dhigan yahay seminaar u billaabanaya labada aqalgelaya, gaar ahaan gabadha ka soo baxday caalamkii gabarnimada, una soo baxday caalam naagnimo. Waxa looga baahan yahay ninka inuu bishaasi xaaskiisa baro dhammaan waddooyinka uu ku guuleysan karo guurkoodu, kuna socon karo ilaa geeriyi kala geyso. Waa bil isbarasho laba badan, laba naf iyo laba dabeecadood. Waa inuu ninku bishaasi gudeheeda ku baraa xaaskiisa dhammaan wixii uu ka garanayo hababka galmo iyo raaxo, dabeecaddiisa, dookhiisa, noocyada cunto ee uu jecel yahay, iwm.