Aqoonyahan Jamal Oo Albaabada u Laabay Xarumihii Xisbiga UCID uu Ku Lahaa Wadanka Dibadiisa

Aqoonyahan Jamal Oo Albaabada u Laabay Xarumihii Xisbiga UCID uu Ku Lahaa Wadanka Dibadiisa
###########################
Aqoonyahan Jamal Ali Hussein ayaa ilaa iyo intii uu ku dhawaaqay inuu Si Rasmi ah u Taageerayo Mujaahid Muuse Biixi Cabdi waxa si xawli ah u Kordhaayey Taageeradii Xisbiga Kulmiye Dal iyo Dibadba, Isagoo Goboladda dalka oo dhan tuulo ilaa dagmo Safar Ku maray Xarumihii Xisbigii UCID iyo taageerayaashiisiiba Ku wareejiyey Xisbiga Kulmiye Sidoo Kale Wuxuu Safar ugu Gaalaabixiyey Wadanka Dibadiisa oo uu Ku lahaa taageerayaal aad u tiro badan Siiba Wadamada Ku yaala Qaaradaha Europe, Asia iyo America Sida Wadamada Emirates-ka England, Canada, Germany, Sweden, Netherlands, Finland, iyo USA oo ay Ka Kala dhaceen Xaflado ay taageerayaashiisu Ku soo dhaweynayeen go,aankii geesinimada lahaa ee qaatay.
Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa dhawaan dalka dib ugu soo laabanaya isagoo Cudud taageero kusoo kordhiyey Xisbiga Talada Dalka haya ee Kulmiye Sidoo Kalena Albaabada usoo laabay Dhamaan Xafiisyadii Wadamada Dibadda uga furnaa Xisbiga Saaxada Kabaxay ee UCID Kuna Wareejiyey Xafiisyadii iyo Taageerayaashiisiiba Xisbul Xaakimka Kulmiye.