Akhri Hanjabaadi qarniga iyo wasiir caddaani

Akhri Hanjabaadi Qarniga iyo Wasiir cadaani .. “Adeerayaal waxan ahay nin Habaryoonis ah , Wallaahi Anoo Nool Iska Daa; Oo Inaydaan Meydkayga Usoo Dhawaan Karin…” – Wasiir Caddaani hoos kaga bogo bahbahdan oo dhamaystiran..

Hargeysa:(murtimaal)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani, ayaa ka fal-celiyey hadallo hanjabaad ahaa oo dhawaanahan warbaahinta qaarkood laga sii daayey, kuwaas oo gaadhay heer la helo codad dadkii lahaa aan weli la aqoonsan oo dil ugu hanjabaya wasiirka. Mudane Caddaani oo munaasib taageerayaashiisa gaarka ah ugu qabtay magaalada Burco, ayaa hadallo hanjabaad ah oo kulul hawada u mariyey cidkasta oo hanjabaaddiisa ka qayb qaadatay, waxana uu caddeeyey inaanay jirin cid dilkiisa kusoo dhiirran kartaa,“anigu ma gabbado, waayo la iguma soo korin inaan habrado oo aan baqo oo aan nin qayrkay ah u habrado, nin reer Saxardiid ah baan ahay, kuwa meelahaas wax ka qorqorayana waxan u sheegayaa ilaahay baa wax dila, wallaahi iska daa anoo noole inaanad meydkayga usoo dhawaan Karin, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid baan ahay ninkii aan aqoonow baro kun nin waddada ugama baydho anigu” ayuu yidhi wasiir Caddaani. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani waxa uu tilmaamay in weligiiba intii uu soo noolaa meeshuu tagoba uu isagu hormood ahaan jirey oo aan cidina ka horrayn jirin, waxana uu yidhi,“ilaa maalintii aan hano qaaday Sheekh Bashiir waa Secondary oo madaxweyne ayaan ka noqday, Sheekh-na madaxweyne ayaan ka noqday, aniga oo yarna America Canada iyo Maraykan baan xisbiga KULMIYE guddoomiye uga noqday.” Dhinaca kalena waxa uu wasiirku meesha ka saaray inuu ka baxo xisbigii uu dhiiga badan geliyey ee KULMIYE una digo rogto xisbiga ay hoggaankiisa isku deegaanka yihiin ee WADDANI, waxana uu farta ku fiiqay inay taasi tahay sida ay doonayaan kuwa dilka ugu hanjabayaa, waxana uu yidhi,“anigu xisbigii aan soo dhisayey ee aan usoo dagaallamayey ee aan waqtigayga, maalkayga iyo maskaxdayda u huray maalintii xisbi Habar yoonis ahi yimaadeen ka bixi maayo oo dhan maayo xisbi Habar yoonis baan galay, waxaasina waa gun-nimo.”