Sheeko cid walba ka yaabisay

Haweeney ayaa Go’aansatay Inay Ogaato qaabka uu Ninkeeddu Uga Falcelin lahaa Haddi ay Guriga katagto iyadoo aan usheegin.
Kadib waxey uqortay warqad waxayna ku tiri” waa Kaa Tagay mana rabo Inaan kula noolaado intaan kabadan” kadib warqadii waxay dul saartay miiska.
Saacaddo kadib waxaa yimid ninkeedi wuxuuna akhriye warqadi kadib waxuu bilaabay inuu heeso oo uu ciyaaro isagoo leh “anba waa ku nacay, waana ku dhibsaday”. Wuxuuna iska badalay dharkii waxuuna wacay qof isagoo faraxsan ayuu ku yiri “Gacaliso waa ku imaanaa waa isla cunteynaynaa Tii doqonta ahayd way ogaatay in aanan rabin wayna baxday”
Wuuna baxay xaaskiisa oo sariirta ku hoos jirtay wax walbana maqlaysay ayaa soo baxday iyadoo niyad jabsan oo go’aansatay inay iska baxdo lkn warqadii ayeey furtay waxayna akhrisatay jawaaabtii uu qoray lkn waxaa warqada ku qornaa “qaali waxaan arkay lugahaaga taleefankana been ayuu ahaa qofna lama hadlin ee naga daa ciyaarta noocaas ah ”