Booliska Thailand ayaa qabtay nin isku dayay in uu dalka Laos u safriyo lix dhalo

INAALILLAAH Booliska Thailand ayaa qabtay nin isku dayay in uu dalka Laos u safriyo lix dhalo oo ay ka buuxaan shahwo rag. si dumarka minkooda kireeyo loogu shubo si ay ilmo uGu dhalaan rag

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in dhalooyinkaasi ay ka heleen boorso uu ninka watay xilli uu ka gudbi rabay magaalada Nong Khai ee ku taalla xuduudda waqooyi ee Thailand.

Booliska ayaa sheegay in ninka uu qiray in shahwada uu u waday Isbitaal taranka ka shaqeeya oo ku yaalla caasimadda dalka Laos ee Vientiane.

Dalka Laos ayaa waxaa aad ugu batay haweenka minkooda kireeya ee ilmaha u dhala dadka kale, ka dib markii arrinkaasi laga mamnuucay dalalka Thailand iyo Cambodia.

Shahwada ayaa laga qaaday rag Shiineys iyo Vietnamese isugu jira, sida ay booliska sheegeen.

Ninka ay boolisku hayaan oo Thailand u dhashay, ayaa sheegay in sanadkii lasoo dhaafay uu 12 jeer sidan oo kale shahwo ugu gudbiyay dalka Laos, sida uu shaaciyay wargeyska Bangkok Post.

XIGASHO BBC-DA SOMALIDA