118 maxaabiista ajaaniibta ah oo ku ‘dhinteen dalka Malaysia labadii sano ee lasoo dhaafay

118 maxaabiista ajaaniibta ah oo ku ‘dhinteen dalka Malaysia labadii sano ee lasoo dhaafay

118 maxaabiista ajaaniibta ah oo ku ‘dhinteen dalka Malaysia labadii sano ee lasoo dhaafay31 March 2017
In ka badan 100 dadka ajaanibta ayaa u dhinteen cudurro kala duwan oo aan la garanayn sababtiisa labadii sano ee la soo dhaafay xarumaha dadka muhaajiriinta lagu hayo ee dalka Malaysia, sida laga soo xigtay dokumentiyo ay shaaciyeen wakaalada wararka ee Reuters.

Tirada la sheegay, taas oo aan hore loo shaacin, ayaa ku salaysan xogta laga helay waaxda socdaalka Malaysia oo ay u gudbiyeen Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha, Malay Suhakam.

Reuters ayaa daaha ka rogtay Khamiistii in dukumentiyada laga helay guddiga dowladda maal-galiso lagu cadeeyay 83 dhimasho ee sanadii 2015 iyo ugu yaraan 35 sanadii 2016 ilaa 20 December.

In ka badan kala badh 118 dhintay ayaa lagu soo waramayaa inay kasoo jeedaan wadanka Myanmar, oo tobanaan kun oo qaxooti ah ay usoo qaxeen Malaysia, oo ay ku jiraan Muslimiinta Rohingya oo kasoo carareen cadaadiska maamulka Myanmar iyo dadka Buddhist intooda badan.

.